WalwalkaSoo Koobis

 

Xaashidani waxay kabixinaysaa soo koobis kooban walwalka. Waxaa kalo jira xaashiyo kale oo tafaftiran oo dheeri ah laguna magacaabo: falgalka kahortagga culus ee walwalka; WalwalkaTusmo Is caawin ah; Sida loo Yareeyo Walwalka.

 

Waa maxay walwalku?

 

Walwalka aad ayay u adag tahay in laqiyaaso. Si degdeg ah ayuu ku dhismi karaa. Tusaale ahaan, xanibnaanta taraafigga ee aan lafilaynin. Marmarka qaarkoodna waa wax iska joogto ah. Tusaale ahaan, shaqo adag. Calaamadaha lagu sheekeeyo ee walwalka kordhiya waxaa kamid ah: sida caadiga ah inaad hurdada u qaban weydo maxaa yeelay walaacyo maskaxdaada ku meeraysanaya awgood; dulqaadasho la’aanta ama xanaaq dhawi dhibaatooyinka yaryar aadan u adkaysan kareyn; miyir yaraan; go’aan qaadasho la’aanta; si xoog leh khamri u cabbis iyo sigaarba; nasasho aadan awoodin, iyo had iyo goor inaad dareento in wax u bahaan in wax laga qabto; dareen kacsanaan ama walaacsanaan.

 

Walwalka joogtada ahi wuxuu u daran yahay caafimaadka, inkastoo tan ay adag tahay in lacaddeeyo. Tusaale ahaan, walwalka waxaa loo arkaa mid ‘khatar keena’isu rogana dhibaatooyinka wadnaha kudhaca nolosha waqtigeeda dambe. Walwalku wuu kuugu keeni karaa jirrooyin kale oo dul ahaaneed dariiqooyin waxba aan laga fahmaynin.

 

Talo bixinno kusaabsan sida looga digtoonaado ama loo joojiyo walwalka

 

Isku day inaad kuqorto buugga xusuus qorka ah asbuucyadii lasoo dhaafay iyo wixii sii dheerba,  liis gareena waqtiyada, meelaha, iyo dadka kugu kiciyay walwalka. Waddo loo raaco ayaa kasoo bixi kara oo ah waxyaabaha keena walwalkaaga. Haddiiaad carrifto waxyaabaha sida joogtada ah kuugu kiciya walwalka, waxaa awoodi kareysaa in aad kala tashato saaxiib dhaw mid kamid ah reerahiinna. Waxaa laga yaabaa inay caawiso ayaga iyo adigaba si aad uga warqabtaan sababaha aad u dareemayso walwalka.

 

Isku day inaad ku dhaqaaqdo farsamooyin sahlan oo kusaabsan nasashada markii aad nasan tahay, kadibna u isticmaal si joogto ah markaad walwalsan tahay, ama haddii xaalad walwal xumo ahi kuugu dhacdo si fudud. Labo dariiqo oo caan ah ayaa ah:

 

·        Neef hoos u qaadashada. Dheerayso neefsiga, dhamayso, si tartiib ah hawada u qaado, si tartiib ahna hawada u neef tuur. Haddii aad sidaa samayso waqtiyo kooban, si miyir qab buuxana u neef tuurto, waad ku raaxaysan kareysaa.

·        Kicinta muruqyada iyo iskala-bixinta. U kala bixi luquntaada labada dhinac sidii kuu fiican adiga, kadibna naso. Garbahaaga jimicsi geli iyo muruqyada dhabarkaba waxoogaa daqiiqado ah, kadibna iska naso gebi ahaan.

 

Waqti u deji nasashada hagaagsan. Ha ogolaanin in nasasho kugudhacdoshaqooyinka dhexdooda. Tusaale ahaan: qorshayso qubaysi dheer, ama iska fadhiiso dhageysana miyuusik, iwm. Waqtiyadaani kaama khasaarin, waa in aadanna dareemin in aad dambi gashay kusaabsan wax qabad la’aanxagga hawlaha ah’. Dadka qaar ayaa waxtar kahela cajaladaha nasashada. (Waad soo iibsan kartaa cajaladaha jiiro diksiga ah ee jimicsiga murqaha kuu bayaaninaya kuna baraya sida loo nasto.)

 

Isku day inaad qaadato waqti yaroo kuu gaar ah’ maalin walba. Tusaale ahaan, inaad kacdo 15-20 daqiiqadood kahor waqtigii aad kici jirtay. Qaado waqti qado oo habboon, kana durugsan meesha shaqada. Hal jeer ama labo jeer asbuuciiba, isku day inaad qorshaysato waqti kooban inaad kaligaa iska noqoto. Tusaale ahaan, tamashlayn macquul ah ama aad fariisato beeraha magaalada ama guriga.

 

Jimicsiga joogtada ahi waxaa loo maleynayaa inuu kaa caawiyo hoos u dhigista heerka walwalkaaga, hurdadana kuu hagaajiyo.

 

Yaan been laguugu sheegin in cabbidda khamrigu wax katarto walwalka. Khamri loo cabbo inuudejiyo xididdada jidhkubadanaa waa qar-iska-tuuris culus oo dhibaato cabbitaan ah.

 

Hiwaayadda aan lug kulahayn waqti go’an ama culays kusaarani waxay maskaxda  kasaari karaan walwalka. Tusaale ahaan: noocyada cayaaraha, tidcidda, miyuusigga, moodal samaynta, halxiraalayaasha, akhris kahelistaba.

 

Dhakhtar u tag haddii calaamadaha walwalku noqdaan kuwo kasii daraya. Xagga daaweynta kooxda maareynta walaacca iyo kala-talinta walaacca ayaa haboonaan karta in loo tago.

 

 

© EMIS and PIP 2003   Updated May 2003