Sigaar CabiddaSoo Koobis

 

Joojinta sigaar cabiddu waxay kusamayn kartaa isbeddal weyn caafimaadkaaga. Haka caajisin inaad joojiso si uu caafimaadkaagu waxtar weyn u helo. U taga kalkaaliyahaaga haddii aad doonayso inaad iska dhaafto, laakiin ay aad kuugu adag tahay dhaafistiisu. Tani waa soo koobis kooban oo kusaabsan sigaar cabbista. Haddii aad doorbiddo waxaa jira xaashi kale oo tafaasiil tafaftiran oo dheeriya leh.

 

Waa maxay sababta sigaar cabistu aad ugu xuntahay?

 

Sigaar cabistu waa waxyaabaha ugu weyn ee keena dhimashada degdegga ah BI gudaheeda. Haddii aad sigaar cabto, macnaheedu ma ahan inaad horay u dhimanayso. Cudurrada laxiriira sigaar cabbista sida kansarka sambabka, cudurrada wadnaha, emphysema, iyo borokiitada xumiba waxay keeni karaan xaalado waxyeello leh, sida badan sannado door ah dhimashada kahor.

 

Waxaa sii dheer, xanuunka neefta, cudurro kale oo sambabka ah,Raynaud’s phenomenon, iyo osteoporosiskaba waxaa badanaa sii xumeeya sigaar cabbista. Ragga sigaarka cabba khatar ayaa kasoo gaari karta inay u noqdaan dhalmo la’aan xilliga da’ada dhexe lagu jiro (sababtoo ah dhibaatada sigaar cabbidu ku reebtay xididdada dhiigga darteed). Sidoo kale, celcelis ahaan, caruurta lanool dadka sigaarka cabbaa jirradu way kaga dhici ogtahay kuwa kunool guri sigaarka kacaagan.

 

Tilmaamo yar oo kaacaawin karaya inaad sigaar cabbista joojiso

 

Taariikh u deji joojinta, isla markaana jooji gebi ahaanba. (Dadka qaar ayaa door bida inay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigaan. Si kastaba ha ahaatee, baadhitaan lagu sameeyay arrintaa ayaa sheegaya in haddii aad cabto sigaarkii aad caadiga u cabbi jirtay wax kayar, waxaad noqonaysaa mid sigaar kasta si aad ah u cabba, hadana heerka nikotiinku meeshiisii ayuu ahaadaa. Sidaa awgeed, waxaa sida caadiga ah wanaagsan inaad joojiso halmar iyo weligeedba taariikh aad u dejisay.)

U sheeg qof walba. Saaxiibbada iyo reerku badanaa taageero ayay kusiinayaan lagana yaabo inay ku caawiso.

Katakhalus saxammada lagu damiyo sigaarka, walcadaha, iyo dhammaan sigaaarrada oo dhan.

U diyaar garow calaamadaha joojinta sigaarka soo baxa. Markii aad sigaar cabbista joojiso, waxaa kugu dhici kara calaamado sida; xanuun dareemis, madax wareer, walaac badan, xanaaq dhawaan, dareemis sigaarka ah, iyo walwal aad iska dareento. Calaamadahaan waxaa keena nikotiin la’aanta jirkaagu horay u isticmaali jiray. Waxay calaamadahaasi soo noqnoqdaan 12-24kii saacadoodba, kadibna si tartiib-tartiib ah u qaboobaan ilaa iyo muddo 2-4 asbuucyo ah.

Kadigtoonow xaaladaha qaarkood kuwaas oo aad jeclaan karto inaad sigaar cabto (tusaale ahaan,meelaha khamriga lagu cabbo). Isku day inaad beddasho qaabkii aad u socon jirtay asbuucyada ugu horreeya oo qudha.

Kuqaado hal maalin waqtigiiba. Ku calaamadee maalin kasta oo kuu hirgashay buugga xusuus qorka. Bal fiiri markii aad dareentay inaad sigaar cabto, una sheeg naftaada inaadan doonaynin inaad mar labaad dib u bilowdo.

Niyadda wanaaji. U sheeg dadka inaadan sigaar cabbinin. Uritaanka ayaa kuu wanaagsanaan doona, asbuucyo yar kadib waa inaad fiicnaan dareento, cunnada dhadhankeeduna uu fiicnaanayo, quffacuna yaraado. Lacag badan ayaad heli doontaa oo sigaarka aad ku gadan jirtay.

Raashinka.  Dadka qaar ayaa kawalwala in culaysku ku badan doono markii ay sigaarka iska dhaafaan maxaa yeelay cunnada oo u furmaysa. U diyaar garoow in cunnadu kuu furmi doonto, hana isku dayin in aadan badinin cunnada saliiddu kubadan tahay iyo sonkortu iyo cunnooyinka fududba. Isku day inaad isticmaasho xanjada aan sonkorta lahayn iyo khudaaarta intaad kuwaa cunni lahayd.

Haka samrin haddii aad ku guulaysan weydo sigaarna cabtay. Waa inaadan sigaar cabbis dib u bilaabin.

Bal falanqee sababta kugu kaliftay inay aad kuugu adkaatay  waqtigaa gaar ah, isla markaana isku day mar labaad.

Daawada Beddalista Nikotiinku (NRT) way kucaawin kartaa haddii calaamadaha sigaar iska dhaafiddu ay dhib bataan. Waxaad heli kartaa xanjada nicotiinka, dawo afka lagu buufiyo, patches, kiniiniyo, nacnacyada daaweysan, iyo daawada neefta. Isticmaalista mid kamid ah kuwaan waxay laban laabtaa fursadda aad u helaysid joojinta sigaarka haddii aad dhab ahaantii doonayso inaad joojiso. Dadka farmashiile-yaasha ah, Dakhtarka Guud, ama kalkaaliye shaqo ayaa talo kaa siin kara.

Daawo lagu magacaabo bupropion (magaca ganacsigeeduna yahay ‘Zyban’ ayaa fursad kale ah. Waxay ayaduna sidoo kale laban laabaysaa fursadda aad u helaysid joojinta sigaarka haddii xaqiiqo ahaan aad doonaysid inaad joojiso. Waxay wax katartaa hoos u dhigista calaamadaha nikotiinka marka sigaarka lajojiyo soo baxa. Waxaa taasna dhici karta inuu kuguila taliyo Dkakhtarkaaga Guud haddii go’aan ay kaa tahay inaad kabaaqsato sigaarka, laakiin dhib badan kugu hayo.

 

Caawimaad dheeri ah iyo macluumaad

Jooji – waa sadaqadeed oo kacaawisa dadka sigaar joojinta. Laynka sigaar joojintu waa: 0800 00 22 00  Web: www.quit.org.uk

 

 

NHS laynkeeda sigaar kacaawintu waa: 08000 169 0 169 iyo websaydhka oo ah: www.givingupsmoking.co.uk

 

© EMIS and PIP 2003   Updated May 2003