|
Joojinta sigaar cabiddu waxay kusamayn kartaa
isbeddal weyn caafimaadkaaga. Haka caajisin inaad joojiso si uu
caafimaadkaagu waxtar weyn u helo. U taga kalkaaliyahaaga haddii aad doonayso
inaad iska dhaafto, laakiin ay aad kuugu adag tahay dhaafistiisu. Tani waa
soo koobis kooban oo kusaabsan sigaar cabbista. Haddii aad doorbiddo waxaa
jira xaashi kale oo tafaasiil tafaftiran oo dheeriya leh. |
Waa maxay sababta sigaar cabistu aad ugu xuntahay?
Sigaar cabistu waa waxyaabaha ugu weyn ee keena dhimashada degdegga ah BI
gudaheeda. Haddii aad sigaar cabto, macnaheedu ma ahan inaad horay u
dhimanayso. Cudurrada laxiriira sigaar cabbista sida kansarka sambabka,
cudurrada wadnaha, emphysema, iyo borokiitada xumiba waxay keeni karaan xaalado
waxyeello leh, sida badan sannado door ah dhimashada kahor.
Waxaa sii dheer, xanuunka neefta, cudurro kale oo sambabka ah,Raynaud’s
phenomenon, iyo osteoporosiskaba waxaa badanaa sii xumeeya sigaar cabbista. Ragga
sigaarka cabba khatar ayaa kasoo gaari karta inay u noqdaan dhalmo la’aan
xilliga da’ada dhexe lagu jiro (sababtoo ah dhibaatada sigaar cabbidu ku
reebtay xididdada dhiigga darteed). Sidoo kale, celcelis ahaan, caruurta lanool
dadka sigaarka cabbaa jirradu way kaga dhici ogtahay kuwa kunool guri sigaarka
kacaagan.
Taariikh u deji joojinta, isla markaana jooji gebi ahaanba. (Dadka qaar ayaa
door bida inay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigaan. Si kastaba ha ahaatee,
baadhitaan lagu sameeyay arrintaa ayaa sheegaya in haddii aad cabto sigaarkii
aad caadiga u cabbi jirtay wax kayar, waxaad noqonaysaa mid sigaar kasta si aad
ah u cabba, hadana heerka nikotiinku meeshiisii ayuu ahaadaa. Sidaa awgeed,
waxaa sida caadiga ah wanaagsan inaad joojiso halmar iyo weligeedba taariikh
aad u dejisay.)
U sheeg qof walba. Saaxiibbada iyo reerku
badanaa taageero ayay kusiinayaan lagana yaabo inay ku caawiso.
Katakhalus saxammada lagu damiyo sigaarka, walcadaha,
iyo dhammaan sigaaarrada oo dhan.
U diyaar garow calaamadaha joojinta sigaarka soo baxa. Markii aad sigaar cabbista joojiso, waxaa
kugu dhici kara calaamado sida; xanuun dareemis, madax wareer, walaac badan,
xanaaq dhawaan, dareemis sigaarka ah, iyo walwal aad iska dareento. Calaamadahaan
waxaa keena nikotiin la’aanta jirkaagu horay u isticmaali jiray. Waxay
calaamadahaasi soo noqnoqdaan 12-24kii saacadoodba, kadibna si tartiib-tartiib
ah u qaboobaan ilaa iyo muddo 2-4 asbuucyo ah.
Kadigtoonow xaaladaha qaarkood kuwaas oo aad jeclaan karto inaad sigaar
cabto (tusaale ahaan,meelaha khamriga lagu cabbo). Isku day inaad beddasho
qaabkii aad u socon jirtay asbuucyada ugu horreeya oo qudha.
Kuqaado hal maalin waqtigiiba. Ku calaamadee maalin
kasta oo kuu hirgashay buugga xusuus qorka. Bal fiiri markii aad dareentay
inaad sigaar cabto, una sheeg naftaada inaadan doonaynin inaad mar labaad dib u
bilowdo.
Niyadda wanaaji. U sheeg dadka inaadan sigaar cabbinin. Uritaanka ayaa
kuu wanaagsanaan doona, asbuucyo yar kadib waa inaad fiicnaan dareento, cunnada
dhadhankeeduna uu fiicnaanayo, quffacuna yaraado. Lacag badan ayaad heli
doontaa oo sigaarka aad ku gadan jirtay.
Raashinka. Dadka qaar ayaa kawalwala in
culaysku ku badan doono markii ay sigaarka iska dhaafaan maxaa yeelay cunnada
oo u furmaysa. U diyaar garoow in cunnadu kuu furmi doonto, hana isku dayin in
aadan badinin cunnada saliiddu kubadan tahay iyo sonkortu iyo cunnooyinka
fududba. Isku day inaad isticmaasho xanjada aan sonkorta lahayn iyo khudaaarta
intaad kuwaa cunni lahayd.
Haka samrin haddii aad ku guulaysan weydo sigaarna cabtay. Waa inaadan sigaar cabbis dib u
bilaabin.
Bal falanqee sababta kugu kaliftay inay aad kuugu adkaatay waqtigaa gaar ah, isla markaana isku day mar
labaad.
Daawada Beddalista Nikotiinku (NRT) way kucaawin
kartaa haddii calaamadaha sigaar iska dhaafiddu ay dhib bataan. Waxaad heli
kartaa xanjada nicotiinka, dawo afka lagu buufiyo, patches, kiniiniyo,
nacnacyada daaweysan, iyo daawada neefta. Isticmaalista mid kamid ah kuwaan
waxay laban laabtaa fursadda aad u helaysid joojinta sigaarka haddii aad dhab
ahaantii doonayso inaad joojiso. Dadka farmashiile-yaasha ah, Dakhtarka Guud,
ama kalkaaliye shaqo ayaa talo kaa siin kara.
Daawo lagu magacaabo bupropion (magaca ganacsigeeduna yahay ‘Zyban’ ayaa
fursad kale ah. Waxay ayaduna sidoo kale laban laabaysaa fursadda aad u
helaysid joojinta sigaarka haddii xaqiiqo ahaan aad doonaysid inaad joojiso. Waxay
wax katartaa hoos u dhigista calaamadaha nikotiinka marka sigaarka lajojiyo soo
baxa. Waxaa taasna dhici karta inuu kuguila taliyo Dkakhtarkaaga Guud haddii
go’aan ay kaa tahay inaad kabaaqsato sigaarka, laakiin dhib badan kugu hayo.
Caawimaad dheeri ah iyo
macluumaad
Jooji – waa sadaqadeed oo kacaawisa dadka sigaar joojinta. Laynka sigaar
joojintu waa: 0800 00 22 00 Web: www.quit.org.uk
NHS laynkeeda sigaar kacaawintu waa: 08000 169 0 169 iyo websaydhka oo ah: www.givingupsmoking.co.uk