Cayilnaanta saa’idka ah iyo Miisaanka ballaaranSoo koobis

 

Xaashidani waxay soo koobis kabixinaysaa cayilnaanta saa’idka ah. Waxaa kaloo jira xaashiyo badan oo tafaftiran oo lagu magacaaboCayilnaanta saa’idka ah’, ‘Cunis Caafimaad leh’, iyoSida culayska loo dhimo’.

 

 

Aad miyaad u cayillan tahay ama culaykaagu u ballaaran yahay?

 

Body mass index (BMI) waa qiyaasta inta xaydh ah ee jirkaaga kujirta. Waxay culayskaaga ku xiriirisaa dhererkaaga. Kalkaaliyahaaga ayaa miisaami kara qiyaasna kabixin kara kuuna sheegi doona BMIdaada. Haddii BMI daadu kasarreyso 25, laakiin kahoosayso 30, ‘culayskaagu aad ayuu u sarreeyaa’. Haddii uu yahay 30 ama kakor, ‘waxaad tahay qof aad u cayillan’.

 

Qiyaasta dhexdu waa qiyaas kale. Khatarta ku imaan karta caafimaadkaagu way kaballaaran tahay marka xaydh saa’id ahi kaa fuusho dhexdaada (‘qaabka tuffaaxa oo kale’), halkii uu ka ahaan lahaa bawdyahaaga iyo cajarradaada (‘qaabka khudradda pearka oo kale). Ragga sabarkoodu kaweyn yahay 94 cm (37 inches ) khatar ayaa ku soo food leh. Wixii kasarreeya 102 cm (40 inches) waa khatar sare oo caafimaad. Dumarka sabarkoodu kaweyn yahay 80 cm (32 inches) khatar ayaa kusoo fool leh. Wixii kasarreeya 88 cm (35 inches) waa khatar sare oo caafimaad.

 

Maxaa keena cayilnaanta saa’idka ah iyo miisaanka ballaaran, kumayse kudhacdaa?

 

Qiyaastii 5tiiba 2 dadka qaangaarka ah ee BI waa saa’id culayskoodu waxaa sii dheer 5tiiba 1 ayaa aad u cayillan.. Waxyaabaha ugu weyn ee keena cayilnaanta saa’idka ahi waa: cunitaanka saa’idka ah/ama cunista noocyo raashin khalad ah; jimicsi yaraanta; dadka qarkood hiddo ahaan ayay u helaan culayska; sababo isku tagay oo kuwaa ah ayaa keena.

 

Waa maxay waxtarka ay leedahay hoos u dhigidda culaysku?

 

Cudurro badan ayaa ku caan ah cayillnaanta saa’idka ah iyo culayska ballaaranba dadka leh, isla markaa waxaa kugu yaraanaya inay kugu dhacaan cudurradaasi haddii culays yari kaa dhaco. Waxaa kamid ah: kaadi-macaanka, dhiigkarka, qalalka, dhibaatooyinka wadnaka kudhaca, noocyo kansarka ah, cudurrada kudhaca kala-goysyada dhabarka iyo lugaha, beeryarada, dhibaatooyin caadada dumarka ah, kaadi dhigista oo xumaata, dhibaatooyin neefsashada ah, dhibaatooyin adag oo qabsada xilliga uurka dumarku leeyihiin, iyo niyadjab

 

Waxaa weheliya, wax badan oo waxtarka caafimaadka ahi waxay lasocdaan hoos u dhigista ugu horraysa ee 5-10% culayskaaga ah. Tani sida badan waa 5-10 kg. (10 kg waxay lamid tahay qiyaastii hal dhagax iyo badhkiis.) haddii aad tahay qof cayilnaantiisu ballaaran tahay, celcelis ahaanna, haddii aad hoos u dhigto culayskaaga 10%:

 

·        Aad ayay u yartahay inay kugu dhacaan xaaladaha kor kuxussan, sida kaadi-macaanka.

·        Haddii aad qabto xanuunka dhiigkarka, xanuunnada kudhaca jeenitallada, ama kaadi-macaanka, xaaladahaani waxay u eg tahay inay kugu soo baxaan. Haddii aad daaweyn u qaadatid xanuunnadaas, waxaad u baahan tahay in layareeyo dawada aad qaadanayso dooskeeda ama inta laga qadanayaa yar tahay.

·        Inaad u dhimato xanuunnadaas waqti go’an waxay hoos ugu dhacaysaa 20%.  Tan muhiimaddeedu maxaa yeelay waa uma muuqato inaad u dhiman karto xanuunka wadnaha, qalalka, kaadi-macaanka, ama cayilnaanta ballaaran kansarka laxiriira.

 

Sidoo kale, aad ayay u adag tahay in laqiyaaso intanolol tayo leh’ ay u hagaagsanaaabayso haddii aad yareyso waxoogaa culayska ah. Dad badan ayaa isku kalsooni fiican kuqaba naftooda, helana tamar badan.

 

Sidee u dhimi karaa culayska?

 

Fursadda ugu wanaagsan ee culayska lagu dhimi karaa, culayskana laysaga ilaaliyaa, waa inaad kudhaqaaqdo isbeddal xagga qaab nololeedka ah. Taasoo ay kujirto qaadasho raashin xadidan oo caafimaad leh iyo kordhinta inta jimicsi ee aad samayso.

Xaashi kale oo kujirta qoraalkan wada socda laguna magacaaboSida loo dhimo culayskaayaa laga helayaa tafaasiil dheeri ah.

 

Daaweynta loo qaadanayo culays dhimistu waa arrin wanaagsan xaaladaha qaarkood. Laakiin, kuwaasi maahan daawo markiiba wax beddaleysa, sidaa awgeed waxaad u sii baahan tahay inaad raashinka yareysato. Dhakhaatiirta ayaa tusaalayn laga siiyaa hadana sida caadiga ah kuu qori doona daawo haddii horay uu kaaga dhacay waxoogaa culays ahi, laakiin weli ay kugu adag tahay inaad wax badan culayska kasii dhinto.

 

 

© EMIS and PIP 2003   Updated April 2003