Dhiigkarka sareSoo koobis

 

Waa maxay dhiigkarku (hypertention)?

 

·        Dhiigkarka macnihiisu waa xawliga dhiigga ee halbawlayaashaada (xididdada dhiigga) ayaa sarreeya. Dhiigkarka waxaa loo qiyaasaa labo qiyaasood, tusaale ahaan 140/85 mmHg.

·        Halmar’oo akhris sare lagu sameeyaa macnaheedu manoqonayso in aad qabto dhiigkar joogto ah.

·        Haddii dhiiggaagu hal mar sare u kacsamo, dhakhtarkaaga ama kalkaaliyahaaga ayaa sida caadiga ahkugula talin doona inaad soo marto tijaabooyin door ah oo ilaa iyo xilli ah.

·        Haddii dhiiggaagu marar badan kor u kacay (140/85 ama kakor, 140/80 ama uu kasarreeyo dhiiggoodu kuwa qaba kaadi-macaanka), iskana tijaabisay dhiiggga maalmo kala duwan oo xaaladdu degan tahay, markaa waxaad qabtaadhiigkarka sare’.

 

Waxyaalo tilmaamo guud ah oo kusaabsan dhiigkarka

 

·        Boqortooyada Ingiriiska gudaheeda, qiyaastii dadka 65 sano kaweyn badhkood, iyo 4tiiba 1 dadka da’doodu meel dhexaadka tahay, waxay qabaan dhiigkarka sare, dadka dhalinyarada yaryar ahna saamayntiisu way ku yartahay.

·        Dhiigkarku badiyaaba makeenaan calaamado lagu gartaa. Laakiin, inta sanadood ee aad qabtaa, dhiigkarkau wuxuu waxyeello u geysan karaa qaar kamid ah halbawlayaasha xanibaadna gelin karaa wadnahaaga.

·        Sida awgeed, dhiigkarka sare wuxuu kordhiyaa khatarta uu kuugu keeni karo wadne xanuun, qalal, xididda dusha sare ee jirka dhiig mariya, iyo waxyeello kuyimaada kalyaha mustaqbalka.

·        Xawliga dhiiggu sida uu hadba kor ugu kacaa, ayaa ah mid weyn oo caafimaadka khatar gelinaysa. Xaaladaha qaarkood waameel dhexaad ilaa iyo wax kabadan’ (140/80 ilaa 160/100). Xaaladaha qaarkoodna xawliga dhiiggu aad ayuu u kacsan yahay (160/90 ama kasarreeyaa). Haddii aad hoos u dhigto xawliga dhiigga, waxaad yareynaysaa khatarta kaaga imanaysa jirrada xun.

·        Xaaladaha badankood, waxa keenay dhiigkarka sare lama yaqaanno. Sida dhifka ahna , dhiigkarka waxaa keena xaalado kale. Tusaale ahaan, dhibaatooyin xagga kalyaha ah ama hoormoonnada ah.

 

Maxaan qaban karaa haddii aan dhiigkar qabo?

 

·        Hoos ayaad u dhigi kartaa xawliga dhiiggaaga (hadana sidoo kale heli kartaa waxtarro kale oo caafimaad) haddii aad:

o       Riddo culayska haddii culayskaagu weyn yahay.

o       Si dheelli tiran raashinka u cunto taasoo ay kujirto cunista khudrado badan. Sidoo kale, cusbada yaraysatojartid cunnooyinka qasacadeysan cusbadana kuyareyso karinta iyo cunnada marka miiska ladhigto.

o       Jimicsi samee shan maalmood ama kabadan asbuucii ugu yaraan 30 daqiiqo.

o       Iska yaree cadadda aad cabto haddii aad cabtid khamri fara badan.

·        Hoos u dhig waxyaabaha kale ee caafimaadka khatarta ku ah:

o       Haddii aad sigaar cabto, waa inaad samaysaa tallaabo kasta oo aad ku joojin karto.

o       Haddii heerka xaydhowga dhiiggaagu ay sarreyso, markaa daaweyn ayaa talo lagugu siinayaa.

 

 

Miyaan u baahnahay daaweyn?

 

·        Haddii xawliga dhiiggaagu ku egyahay 160/100 ama kakor, daaweyn ayaa lagugula talinayaa.

·        Haddii xawliga dhiiggaagu yahay meel dhexeilaaqunyar socod (140/85 ilaa 160/100), waxaa laga yaabaa inaadan u baahan daaweyn. Inkastoo, daaweynta caadiyan lagugula talinayo haddii:

o       Khatarro kale oo caafimaadka dhib ku keenaya (tusaale ahaan, heerka xaydhowga sare)

o       Aad horayba u qabtay cudurka wadnaha, ama qalal qabi jirtay ama ay jiraan calaamado hore oo muujinaya in xawliga dhiiggaagu kacayo.

 

Waa maxay daaweynta loo hayaa dhiigkarka?

 

·        Waxaa jira noocyo badan oo daawooyin ah oo hoos u dhigi kara xawliga dhiigga.

·        Tiigsashaduwaa hoos u dhigidda xawliga dhiigga hoos loogu dhigayo meel kahoosaysa 140/85 (kana hoos maro 140/80 haddii aad kaadi-macaan qabto).

·        Hal daawo qaadasho waxay ilaalin kartaa dhiigkarka qiyaastii xaaladaha badhkood. Laakiin, waxaa iska caddaan inaad u baahato labo ama wax kabadan oo daawooyin kala jaad ah si aad hoos ugu dhigto xawliga heer tiigsasho ah.

 

© EMIS and PIP 2003   Updated June 2003