·
Dhiigkarka macnihiisu
waa xawliga dhiigga ee halbawlayaashaada
(xididdada dhiigga) ayaa sarreeya. Dhiigkarka waxaa loo qiyaasaa labo
qiyaasood, tusaale ahaan 140/85 mmHg.
·
‘Halmar’oo akhris sare lagu
sameeyaa macnaheedu manoqonayso in aad qabto dhiigkar joogto ah.
·
Haddii dhiiggaagu
hal mar sare u kacsamo, dhakhtarkaaga ama kalkaaliyahaaga ayaa sida caadiga
ahkugula talin doona inaad soo
marto tijaabooyin door ah oo ilaa iyo
xilli ah.
·
Haddii dhiiggaagu marar badan kor u kacay
(140/85 ama kakor, 140/80 ama uu kasarreeyo
dhiiggoodu kuwa qaba kaadi-macaanka), iskana tijaabisay dhiiggga maalmo kala duwan oo
xaaladdu degan tahay, markaa waxaad
qabtaa ‘dhiigkarka sare’.
·
Boqortooyada Ingiriiska
gudaheeda, qiyaastii dadka 65 sano kaweyn
badhkood, iyo 4tiiba 1 dadka da’doodu meel dhexaadka tahay, waxay qabaan
dhiigkarka sare, dadka dhalinyarada yaryar ahna saamayntiisu
way ku yartahay.
·
Dhiigkarku badiyaaba
makeenaan calaamado lagu gartaa. Laakiin,
inta sanadood ee aad qabtaa,
dhiigkarkau wuxuu waxyeello u geysan karaa qaar kamid
ah halbawlayaasha xanibaadna
gelin karaa wadnahaaga.
·
Sida awgeed,
dhiigkarka sare wuxuu kordhiyaa khatarta uu kuugu
keeni karo wadne xanuun, qalal,
xididda dusha sare ee jirka
dhiig mariya, iyo waxyeello kuyimaada
kalyaha mustaqbalka.
·
Xawliga dhiiggu
sida uu hadba
kor ugu kacaa,
ayaa ah mid weyn oo caafimaadka khatar gelinaysa. Xaaladaha qaarkood waa ‘meel dhexaad
ilaa iyo wax kabadan’ (140/80 ilaa 160/100). Xaaladaha qaarkoodna xawliga dhiiggu aad ayuu u kacsan
yahay (160/90 ama kasarreeyaa). Haddii aad hoos u dhigto
xawliga dhiigga, waxaad yareynaysaa khatarta kaaga imanaysa jirrada xun.
·
Xaaladaha badankood,
waxa keenay dhiigkarka sare lama yaqaanno. Sida dhifka ahna , dhiigkarka waxaa
keena xaalado kale. Tusaale ahaan, dhibaatooyin xagga kalyaha ah ama hoormoonnada ah.
Maxaan qaban karaa
haddii aan dhiigkar qabo?
·
Hoos ayaad
u dhigi kartaa xawliga dhiiggaaga (hadana sidoo kale heli kartaa waxtarro
kale oo caafimaad) haddii aad:
o
Riddo culayska
haddii culayskaagu weyn yahay.
o
Si dheelli
tiran raashinka
u cunto taasoo ay kujirto cunista khudrado badan. Sidoo kale, cusbada yaraysato – jartid cunnooyinka qasacadeysan cusbadana kuyareyso karinta iyo cunnada
marka miiska ladhigto.
o
Jimicsi samee
shan maalmood
ama kabadan asbuucii ugu yaraan
30 daqiiqo.
o
Iska yaree
cadadda aad cabto haddii aad
cabtid khamri fara badan.
·
Hoos u dhig
waxyaabaha kale ee caafimaadka khatarta ku ah:
o
Haddii aad
sigaar cabto, waa inaad samaysaa
tallaabo kasta oo aad ku
joojin karto.
o
Haddii heerka xaydhowga dhiiggaagu ay sarreyso, markaa daaweyn ayaa talo lagugu
siinayaa.
·
Haddii xawliga
dhiiggaagu ku egyahay 160/100 ama kakor, daaweyn ayaa lagugula talinayaa.
·
Haddii xawliga
dhiiggaagu yahay meel dhexe – ilaa
–qunyar socod (140/85 ilaa 160/100), waxaa laga yaabaa inaadan
u baahan daaweyn. Inkastoo, daaweynta caadiyan lagugula talinayo haddii:
o
Khatarro kale oo
caafimaadka dhib ku keenaya (tusaale
ahaan, heerka xaydhowga sare)
o
Aad horayba
u qabtay cudurka wadnaha, ama qalal
qabi jirtay ama ay jiraan calaamado
hore oo muujinaya
in xawliga dhiiggaagu kacayo.
·
Waxaa jira
noocyo badan oo daawooyin ah oo hoos u dhigi
kara xawliga
dhiigga.
·
‘Tiigsashadu’ waa hoos u dhigidda
xawliga dhiigga hoos loogu dhigayo
meel kahoosaysa 140/85
(kana hoos maro 140/80 haddii aad kaadi-macaan
qabto).
·
Hal daawo qaadasho waxay ilaalin kartaa dhiigkarka qiyaastii xaaladaha badhkood. Laakiin, waxaa iska caddaan inaad
u baahato labo ama wax kabadan oo daawooyin kala
jaad ah si aad hoos ugu
dhigto xawliga heer tiigsasho ah.