Kahortagga Cudurka Wadne Xanuunka iyo Qalalka - Soo koobis

 

Xaashidani waxay kusiinaysaa xoogaa dulmar ah oo ku saabsan sida aad uga  hortagi kartid wadna xanuunka iyo qallalka. Haddii aad door bidayso, waxaa jira warqad middan la mid ah laakiinse aad uga faaahfaahsan, iyo xashado ku siinaya faahfaahin aad u badan oo ku saabsan mid kasta oo cinwaannada hoos ku liis-garaysan ah.

 

Waa inaadan cabbin sigaarka

Haddii aad sigaarka cabtid,joojinta sigaarku waa waxa keliya ee ugu waxtarka badan si aad u dhintid khasaraha  ay kusoo gaarsiinayaan xanuunnada mustaqbalku. Khasaaraha caafimaadkaagu wuu yaraanayaa isla marka aad joojisid cabbista sigaarka (hase ahaatee waxy qaadanaysaa wakhti dheer ka hor inta uu khasaaraha kordhay isdhimaayo gebi ahan). Haddii ay kugu adkaato inaad joojisid sigaarka, markaa isku day inaad la kulantid kakaaliyahaaga caafimaadku si uu kuu caawiyo. waxa laga yaabaa in daaweyn lagugula taliyaa ay ku caawin karto.

 

Samee jimicsi joogto ah

Uma baahnid inaad aadid meelaha jidh-dhiska ama ka qayb gashid cayaaro. Wax kasta oo kuu samixi kara inaad si fudud u neef tuurtid ama si fudud u dhididdaa way fiican tahay. Tusaale ahaan: xoogaa socod ah, kadlays, dabbaal'baaskiil wadid,jardiinada oo aad sameeysid ,iwm.Xoogaa  socod ah oo aad maalin kasta samaysaa waa waxa ay dad badani sameeyaan - waanay wanaagsan tahay. Si aad uga heshid waxtarka ugu badan waa inaad samaysaa ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalmaha ugu badan. Dhowr jimcsi oo gaagaaban oo xoog ah aya itana loo maleeyaa inay ku anfacayaan. Tusaale ahaan, 10 daqiiqo oo bouts oo jimicsi ah oo aad samaysid wakhtiyo kala duwan maalintiiba.

 

Cun raashin caafimaad leh. Tan haddii la soo koobo macnaheedu waa:

 -  UGU YARAAN shan qaybood oo miro kala geddisa iyo khudaar ah maalintiiba.

 -  WAX BADAN oo ah cuntada laga helo istaarijka sida firileda, rootiga qamadiga laga        sameeyo,bataato,bariis.baasto.

-  Cunto aanay KU BADNEYN duxdu sida hilibka baruurta ah,farmaajada caanaha subaggu ku jiro,cuntada la shiilo, burcadka, iwm. Isticmaal waxyaalaha rootiga la mariyo oo ay duxdu ku yar tahay.

-  KUDAR 2-3 qaybood oo kalluun ah toddobaadkiiba. Kaas oo ugu yaraan mid ay ku jirto saliidu (sida heerinka, makariilka,saaradiinka kiiberka,biljaadhiska salmonka, iyo tuunada fereeshka ah).

-  Haddii aad cuntid hilib waxaa fiican inaad cuntid hilibka caatada ah. ama sida digaagga.

-  Haddii aad wax shiilanayso isticmaal saliidda laga sameeyo khudaarta sida saliid gabaldayaha, saliidda iniinaha, saliid saytuunka.

-  Iska jir inaad cuntada ku dartid cusbo, iskana ilaali cuntooyinka ay cusbadu ku badan tahay.

 

Isku day inaad dhintid culayskaaga haddii aad culus tahay ama aad buuran tahay

 Ma aha qasab inaad noqotid culayskaaga saxda ah. Haddii aad buuran tahay ama culayskaagu saa'id yahay waxaad dhimi kartaa khasaaraha soo gaaraya caaafimaadkaaga adigoo dhimaya culaskaaga 5-10%. Tani waa badanaa qiyaastii 5-10 kg. (11-22 rodol).

 

Ha cabbin khamri farabadan

Waxoogaa khamri ah (1-2 cabbir maalinkiiba) ayaa laga yaabaa inay kaa difaacaan wadna xanuunka. Hal cabbir waa qiyaastii kala barka  biirka, ama koob yar oo waayn ah, ama hal cantuugo oo isbiirto ah. Arrintu si kastaba ha noqotee, haddii aad badsatid dhaawac ayaa kaasoo gaari kara. Raggu waa in aanay cabbin in ka badan 21 cabbir toddobaadkiiba (iyo in ka badan 4 cabbir maalintiiba). Haweenku waa in aanay cabbin in ka badan 14 cabbir toddobaadkiiba (iyo 3 cabbir maalintuiiba).

 

 

Tijaabo kaqaad Dhiig-karkaaga  ugu yaraan 3-5 tii sanaba mar

Dhiig karku ma laha calaamado lagu garto, markaa ma garan kartid inuu ku hayo ilaa aaad tijaabisid dhiiggaaga.Dhiiggaagu waa in aanu dhaafin 140/85 (iyo 140/80 haddii aad leedahay macaan)..Haddii dhiiggaagu sarreeyo waxaa lagugula talin karaa isdaaweyn.

 

Waxaa kalo lagugula talin karaa tijaabo inaad iskaga qaaddo xaydhawga dhiigga ah

Tijaabo aad iskaga qaaddo oo  xawdhawga dhiigga ahi sida caadiga ah waa lagugula talin karayaa haddii aad leedahay khatar soo kordhaysa oo kusaabsan wadne xanuunka ama qalalka. (Tusaaale ahaan, haddii aad kadhaxashay reerkiina, haddii aad qabto kaadi-macaan, iwm.) xawdhroow heerkeedu sarreeyo waxay sii kordhisaa khatartaada oo sii badata, laakiin waxaa lagu dhimui karaa daaweyn loo qaato.

 

© EMIS and PIP 2003   Updated May 2003