Cunista Caafimaadka leh – Soo koobis

 

Cunista caafimaadka lehi waxay kaa caawisaa kahortagga cudurrada sida cudurka wadnaha, qalalka, kaadi-macaanka, cayilnaanta weyn, xasilooni la’aan kudhacda dhuunta cunnada caloosha kaqaadda, iyo waxyaabo kansar ah. Xaashidani waxay soo koobis kooban kabixisaa cunista caafimaadka leh. Waxaa kale oo sii dheer xaashiyo kale oo tafaftiran oo lagu magacaabo’Cunis Caafimaad leh’ iyo ‘cun khudaar fara badan oo labada nooc ah’.

 

 

Mabaadii’da asalka u ah cunno miisaaman oo caafimad leh

 

Cun raashin fara badan oo ay kubadan tahay starchku (kaarboon haydarayd isku jir ah)

Qaybaha ugu muhiimsan ee badanaa cunnooyinku waa inay ahaadaan starchy cunnooyin ah sida rootiga, waxyaalaha kasamaysan heedda, qamadiga, iwm. Bataatada, bariiska, iyo baastada, oo lagu cunayo khudaaraha labada nooc. Dadka qaar kamid ah ayaa si khalad ah ugu fikira in cunnooyinka staarjka kasamaysani ay yihiin ‘kuwo lagu cayilayo’. Runtii, waxay kakooban tahay qiyaastii tamarta kujirta cunnooyinkaasi nus ahaan midda culayska shilista lamid ah.

 

Cun ugu yaraan shan qaybood oo noocyo khudaaraha kala duwan ah maalin walba

Hal qayb macnaheedu waa; hal furuutis oo ballaaran sida tuffaaxa, pearka, mooska, liin oranjiga, ama jeex qare ah oo ballaaran ama cananaas, AMA; laba nooc oo furuut ah oo yaryar sida plumska, satsumas, iwm. AMA; hal koob oo cabitaan furuut ah sida canabka, strawberries, rasberries, cherries, iwm. AMA; hal galaas oo cabitaan furuut ah (150), AMA; qayb iska cadi ah oo kkudaar noocay doonto hanoqotee (ilaa qaaddo oo waaweyn), AMA; hal xeedho oo ansalaato ah.

 

Cun raashin nafaqo leh oo kugu filan

Hilibka, kalluunka, lawska, miraha lakarsado, hilibka digaagga, iyo raashinka lamidka ah ee macdanta borotiinku kusarreeyo. Waxaad u baahan yahay waxoogaa borotiin ah si aad u caafimaad qabto, laakiin dadka badankoodu waxay cunaan borotiin kabadan intii loo baahnaa. Doorbid inaad cunto hilibka aan buurnayn.

 

Kalluunka saliidaysan (sida noocyada herring, sardines, mackerel, salmon, kippers, pilchards, ama toonno cusub) ayaa loo maleynayaa inay wax kataraan ilaalinta wadne xanuunka. Samee inaad cunto ugu yaraan laba qaybood oo kallluun ah asbuucii, ugu yaraan mid kaas ahi waa inuu noqdaa mid saliidaysan.

 

Hacunin wax baruur badan leh

 

·        Isku day inaadan raashin badan shiilan. Waxaa kawanaagsan in ladubo, lafoorneeyo, lakarkariyo, lasolo, ama lakululeeyo cuntada. Haddii aad wax shiilanayso, isticmaal saliid aan aad u qoyanayn sida galleyda, gabaldayaha ama saliid saytuunka. Kamiir saliidda kahor cunitaanka.

·        Kadooro cadad aan buurnayn hilibka, kana jar wixii baruur dheeri ah.

·        Isku day inaadan kudarin caddiin aan loo baahnayn raashinka. Tusaale ahaan, isticmal caddiin oosaysa oo shiilmayn, batarka fididdu kuyartahay ama subagga fadhiya oo rooti aad marsato, u qiyaaso qayb yar oo saliid ah karinta, iwm.

·        Iska ilaali caddiinta qarsoon ee kujirta waxyaalaha laysku dardaro, jukulaatada, keegagga, iyo buskutyada.

·        Cab caano caddiinta kujirtaa hoosayso, burcadka, ciirta, iyo cunnooyinka kale ee lacabbo intii aad cabbi lahayd noocyo kala jaad ah oo caddiintu kubadan tahay.

·        Iska dhaaf wayaabalaha labeenta ah. Isticmaal ansalaato labeenteedu caddiinteedu hoosayso, ama ciirta caddiintu kuyartahay oo aad baddal ahaan ugu qadato labeen ahaan.

 

Haqaadanin raashin sonkortu kubadan tahay iyo cabitaanba

Kuwaas waxaa kubadan qiyaasta sonkorta, hadana wax badan oo aad kaqaadataa waxay keeni kartaa culayskaaga oo kordha. Xitaa cadad yar oo raashinka sonkorta lihi (macmacaanka iwm) waxay u daran yihiin ilkaha.

 

Isku day inaadan cunin cusbo fara badan

U isticmaal cadad yar oo cusbo ah karinta, hana kudarin cusbo badan marka cuntada miiska lasaaro.

 

Hacabin khamri fara badan

Cadad yar oo khamri ahi (1-2 qiyaas ah malintii) ayaa kaa caawin kareysa in ay kaa difaacdo cudurka wadne xanuunka. Hal beeg wuxuu qiis ahaan la’eg yahay pint badhkiis oo biirka xooggan ee caadigaa ah, ama hal galaas oo nooca khamriga waynta ah, ama  qiyaas koob yar ah isbiirito ah. Si kastaba ha ahaatee, iska badintu dhib badan ayaa ka imanaya. Raggu waa inuu cabbaa wax aan kabadnayn 21 beeg asbuucii (iyo anaysan cabbin wax kabadan 4 beeg halkii maalin). Dumarku waa inaysan cabbin wax kabadan 14 beeg asbuucii (iyo inaanay cabbin wax kabadan 3 beeg maalintii qura).

 

© EMIS and PIP 2003   Updated May 2003