Jimicsiga caafimaad leh – Soo koobis
|
Xaashidan warsidka ahi waxay warbixin
kooban kabixisaa jimicsiga si aad caafimaadkaaga u hagaajiso. Haddii aad doorbiddo, waxaa jira xaashiyo
kale oo dheeri ah oo faahfaahsan kuna saabsan jirdhiska. |
Waa maxay sababta
jimicsigu ugu fiican yahay caafimaadka?
Haddii aad si joogto
ah jirdhis u samayso xanuun inuu kugu
dhaco ayaa yaraanaysa sida: xanuunka wadnaha, qalalka, kansarka malawadka, kansarka naasaha, osteoporosis, iyo cayilnaanta badan. Waxaa sii dheer taas,
dad badan ayaa naftooda u wanaagsanaada. Jirdhiska joogtada ah waxaa loo malaynayaa
inuu wax kacaawiyo qaboojinta walawalka, walaacca, iyo niyadjabka
oo heer dhexdhexaad
ah noqda.
Jimicsi noocee ahi?
Wax alla wixii kicinaya heerka xawliga wadnahaaga, ku diirinaya, si caadi
ah u neeftuurayso, si caadi ahna u dhididayso.
Tusaale ahaan, socod boobsiinta,
ruclaynta, dabaasha, baskiil cayrinta, cayaarta qoob kacayaarka,
iwm. Waad isticmaali kartaa
sidoo waxqabadyada caadiga ah. Tusaale ahaan, shaqada
guriga ee culus iyo beerta
guriga jarideeda ayaa kaa dhigi
karta mid aad ku neef tuurto
kuna dhididdo. Bal fiiri socod
boobsiin ah ood kutagto shaqada, ama dukaammada, intii aad isticmaali
lahayd baabuur ama baska. Jimicsigu ma ahan
inuu ahaado degdeg, (Inkastoo, waxyaabo caddeymo ahi sheegayaan in wax katarayso xanuunka wadnaha jirdhiska oo aad u xooggan
ayaa ah, mid wanaagsan.)
Immisa jimicsi ah ayay tahay inaan
qaato?
Meesha ugu hoosaysa ee waxtar caafimaad
aad kaga helaysaa waa qiyaastii
30 daqiiqo maalintii, ugu yaraanna 5 maalmood asbuucii. Inkastoo, aysan ahayn inaad
kusamayso dhammaan hal mar. waxoogaa
isku day gaaban ah ayaa loo maleynayaa
inay iska fiican tahay. Tusaale ahaan,
10 daqiiqo oo socod boobsiin ah, 10 daqiiqo oo baskiil
foolis ah, iyo 10 daqiiqo oo qoob
kaciyaaris oo waqtiyo kala duwan
maalin dhexdeeda ah.
Isku day inaad gaarsiiso tirada ilaa 40-60 daqiiqadood maalintii haddii aad awooddo.
Khatar miyaa kujirta
jimicsiga?
Haddii aad samayso noocyo kamid ah cayaaraha waxaa khatar kaasoo gaari
kartaa murgacasho, marmarka qaarkoodna dhaawacyo aad u xun. Waxaad khatarta dhaawacca hoos ugu dhigi
kartaa adigoo had iyo jeer is kululeeya cayaarta kahor, iyo inaad xirato
cago gelis sax ah. Cayaaraha atleetikada ah sida orodka dheer ee
maaratoonka wuxuu keeni karaa dillaaacyo
dhib badan, daallanaan xun, iyo caadada dumarka
oo kajoogsata dumarka qaarkood.
Dhimasho degdega ah ayaa kudhacda dadka jirdhiska sameeya. Taasina waa mid dhif iyo
naadir ah haddii aad kudhaqanto jirdhiska caalamiga ah. Waxay aad ugu sii
ekaan kartaa inay dhacdo haddii
aadan si caadi ah u samaynin jirdhis badan, laakiin kadib aad
samayso jirdhis xoog leh oo
degdeg ah sida cayaar ballaaran oo darbiga xiran
lagu dheelo. Si kasta ha ahaatee, xitaa xaaladda lafteeda, dhimashada degdegga ahi waa
mid aan caan ku ahayn. Caafimaadka kujira jirdhiska ayaa kamiisaan weyn khatarta yar
ee lagalayo.
Tilmaamo dheeri ah oo kusaabsan jimicsiga
·
Marna daahitaan kuma jiro inaad bilowdo
jirdhis caafimaad, siday doonto ha ahaato da’daadu ama u diyaar sanaan
la’aantaaduye. Haddii shaki kaga jiro
kusaabsan jirdhiska xagga caafimaadkaaga, dhakhtar u tag. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira sababo
yar oo uu
jirdhisku dhibaato u keeni karo. Fikrad
khaldan oo caana ayaa ah in jirdhisku laga yaabo “inuu u daran
yahay wadnaha”. Dhinaca kalena , jirdhisku wuu
u fiican yahay dadka qaba cudurrada
wadnaha badankood.
·
Haddii aadan u diyaarsanayn, waxaa wanaagsan in aad si tartiib
tartiib ah u dhisto heerka jirdhiskaaga.
·
Isku day kuna ilaali jirdhiska
liiskaaga muhiimadaha. Haddii hal nooc
oo kamid ah jirdhisku aadan jeclaysan, isku day inaad bilowdo noocyada
kale si aad u hesho caafimaad waxtar leh.
·
Dadka qaarkood ayaa maskaxdooda
kusaleeya meel sare, Tusaale ahaan,
ujeeddana kadhigta orodka maaratoonka kaliya. Tani waxay
qaadan kartaa waqti badan waxaana
laga yaabaa inaad lumiso u jajabnaanta.
© EMIS
and PIP
2003 Updated May 2003