Nooca 2aad ee Kaadi-macankaSoo koobis

 

Xaashidani waxay tafaasiil kooban kabixinaysaa kaadi- macaanka. Waxaa kaloo jira xaashiyo kale oo faahfaahin dheeri ah laga heli karo kana duwan middan kuna saabsan nooca 2aad ee kaadi-macaanka, iyo weliba xaashi kusaabsan nooca1aad ee kaadi-macaanka.

 

Waa maxay kaadi-macaanku maxaase keena nooca 2aad ee kaadi-macaanka?

 

Kaadi-macaanku wuxuu qofka kudhacaa marka heerka glucostu (sonkorta) dhiigga kujirtaa kor u kacdo. Sida caadiga ah, kadib markaan wax cunno, noocyo badan oo cunnooyinka kamid ah ayaa ku burbura xiidmaha cuntada kaqaada caloosha una burbura sonkor kuwaas oo kadib jidhka ku kala fidhidha. Sonkorta ugu weyn waxaa lagu magacaabaa (glucose). Si caafimaadkagu u fiicnaado, heerka sonkorta kujirta dhiiggaagu waa inaysan si aad ah kor ugu kicin ama hoos aad ugu dhicin. Hoormoon lagu magacaabo insuliin ayaa kacaawiya in sonkorta uu kasoo qaado socod ilaha dhiigga una gudbiyo unugyada kala duwan ee jidhka. Tani waxay ka caawisaa in lagu ilaaliyo sonkorta dhiigga meel caadi ah.

 

Insuliinta waxaa sameeya unugyo gaar ah oo mindhicirka kujira. Nooca 2aad ee kaadi-macaanka waxaanad midna: kusamaynayn insuliin kufilan jidhkaaga baahidiisa, iyo/ama unugyada jidhkaaga kujira ayaan si habbon u isticmaali karin insuliinta.

(Ganacu majoojiyo samaynta insuliinta halka uuu kajoojiyo nooca 1aad ee kaadi-macaanka.) Nooca 2aad ee kaadi-macaanku sida caadiga ah marka hore wuxuu soo baxaa da’da 30ka kadib. Wuxuu kadhex jiraa reeraha. Wuxuu caan kuyahay dadka miisankoodu sarreeyo. Wuxuu sidoo kale caan kusii yahay dadka Afrikaanka ah, Kareebiyaan-Afrikaanka iyo dadka Aasiyaanka ah.

 

Waa maxay calaamadaha lagu garto nooca 2aad ee kaadi-macaanka?

 

Calaamaduhu waxay u eg yihiin kuwo kusoo baxa si fudud oo tartiib ah, asbuucyo in kabadan iyo bilo. Waxaa kamid ah: oomitaan fara badan, kaadi fara badan ood kaadido, daallanaan, miisaanka oo isdhima, dareen guud ahaaneed oo aan fiicnayn. Kadib marka daaweynta labilaabo calaamadahaani waxay noqdaan kuwo si degdeg ah u qabooba.

 

Dhibaatooyinka adag ee macquulka ah ee soo bixi kara mustaqbalka fog

 

Xitaa heerka dhexdhexaadka ah ee sonkortu kusocoto kaas aan kukeenayn wax calaamadu ah mustaqbalka dhaw qofka ayaa waxyeello ku yeelan kara xididdada dhiigga mustaqbalka fog. Tani waxay kugu keeni kareysaa waxoogaa dhibaato adag ah (badiyaa sannado kadib markii kaadi-macaanka haray tijaabo looga sii qaaday). Kuwaas waxaa kamid ah: khatar kaaga timaadda cudurka wadnaha, qalalka iyo wareegga dhiigga oo yaraada; dhibaatooyin indhaha kaaga dhaca taasoo waxyeeli karta aragtida; kalyaha oo wax gaaraan; xididdada maskaxda oo wax gaaraan;dhibaatooyin xun oo xagga lugaha ah; dhalid la’aan. Guud ahaanna, khatarta kaasoo foodsaari karta dhibaatooyinkaa adag hoos ayaa loo dhigaa haddii sonkorta dhiiggaga kujirta ee glucoseta heerkeeda laxaddido, iyo waxyaalaha kale ee khatarta horseedi kara sida dhiig-karka oo lala tacaalo.

 

Waa maxay daaweynta loo hayaa nooca 2aad ee kaadi-macaanka?

 

 

Daaweynta lagu ilaalinayo in sonkorta dhiiggaaga heerkeedu loogu dhaweynayo sida caadiga ah ee ugu macquulsan

 

·        Dad badan ayaa lagu daaweeyaa cunnada habaysan kaligeed. Waxaa sida caadiga ah laguu gudbin doonaa dkakhtar cunno-yaqaan ah kaas oo talo kabixin doona kusaabsan cunitaanka caafimaadka leh, cunno saliiddu kuyar tahay,conno miisaaman oo tayadeedu fiican tahay kana kooban cunnooyinka starchku ku badan yahay, labada nooc ee khudaarta. Sidoo kale, waxaa lagu siin doonaa talo kusaabsan sida miisaanka layskaga dhimo haddii miisaankaagu sarreeyo.

·        Daawo ayaa sida caadiga ah laguu qorayaa haddii cunnada miisaaman kaligeed waxba kaqaban weydo xadididda calaamadaha iyo/ama heerka sonkorta dhiigga. Waxaa jira noocyo kala duwan oo kiniiniyo ah noocyada kala duwan ayaa dadkana ku kala habboon. Kiniiniyada qaarkoodna waxay falgal kusameeyaan ayagoo kordhinaya inta insuliin ee mindhicirku sameeyo. Nooc kale oo kiniiniyada kamid ahina wuxuu kushaqeeyaa asaagoo kacaawiyaa insuliinta inay ugu shaqayso si wanaagsan unugyada jirka. Nooc kale wuxuu wax kaqabtaa yaraynta nuugitaanka sonkorta laga soo nuugayo dhuunta cuntada caloosha kaqaadda. Dadka qaar kamid ahi waxay u baahan yihiin isku-dar kiniiniyo ah. Kiniiniyadu waxba maqabtaan haddii aadan cunto caafimaad leh oo miisaaman qaadan marka horabawaxaad u bahaan tahay inaad cunto cunno miisaaman oo caafimaad leh sidoo kale.

·        Duritaanno Insuliin ah ayaa loo baahan yahay xaaladaha hooseeya.

 

Daaweynta lagu yareynayo khatarta kaaga imaan karta dhibaatooyinka culus. Xawliga dhiiggaagu waa inuu kahooseeyo 140/80. Daawo qaadasho ayaa loo baahan karaa arrintan darteed. Sidoo kale, waxaa si adag talo laguu farayaa in aad si joogto ah u samayso jimicsi isla markaana aadan sigaar cabin. Waxaa sidoo kale talo lagugu siin karaa inaad laqdo kiniiniyada si aad hoos ugu dhigto heerka xaydhowga dhiiggaaga.

 

© EMIS and PIP 2002   Updated May 2003