Nooca
1aad ee Kaadi-Macaanka
– Soo koobis
|
Xaashidan warsidka ah waxay soo koobis
kabixsaa nooca 1aad ee kaadi-macaanka. Waxaa kaloo jira
xaashiyo kale oo faahfaahin dheeraad ah laga helayo kuna
saabsan nooca 1aad ee kaadi-macaanka, iyo sidoo kale xaashi kale oo warsid ah kuna saabsan nooca 2aad ee kaadi-macaanka. |
Waa maxay cudurka
kaadi-macaanku maxaase keena nooca 1aad ee kaadi-macaanka?
Cudurka Kaadi-macaanku wuxuu
qofka kudhacaa marka heerka sonkortaada
dhiigga kujirtaa kor u kacdo. Sida caadiga ah, kadib markaan wax cunno, cunnooyin kala jaad ah ayaa
ku kala jajaba
dhuunta qaadda cuntada marka ay caloosha dhaafto isuna bedasha sonkoro
kuwaas oo kadib jidhka qofku
uu dhuuqo. Sonkorta ugu weyn waxaa
layiraahda glucose. Si caafimaadkaagu
u fiicnaado, sonkorta dhiiggaagu waa inaysan kor usii
kicin ama hoos u dhicin. Unugyo hoormoon ah oo lagu magacaabo Insulin ayaa kacaawisa jidhka in ay kaqaaddo sonkorta qulqulka dhiigga una qaadda
unugyo kala duwan oo jidhka
kujira. Taasi waxay gacan kageysataa in laga dhigo sonkorta dhiigga mid caadi ah.
Insuliinta waxaa sameeya unugyo gaar ah oo mindhicirka kujira. Nooca 1aad ee
kaadi-macaanka mindhicirku wuxuu joojiyaa samaynta Insuliinta, markaana sonkorta dhiiggu kor ayay
u kacdaa. Tani way dhacdaa
maxaa yeelay habka isdifaaca jidhku wuxuu sameeyaa
kahortagga jidhka kaas oo baabi’iya
unugyada sameeya insuliinta ee kujira
mindhicirka. Sababta habka
isdifaaca jidhku u samaynayo arrintaa lama yaqaanno. Wax
uun baa (laga yaabee fayras) u eg tahay inuu
‘kukiciyay’ habka isdifaacu inuu sameeyo arrintan. Nooca 1aad ee kaadi-macaanku sida caadiga ah marka hore wuxuu
ku bilowdaa caruurta iyo dhalinyarada
qaangaarka ah.
Waa maxay calaamadaha
lagu garto nooca 1aad ee kaadi-macaanka?
Calaamaduhu waxay kubilowdaan si fudud oo
dhakhsa leh, maalmo yar ama
asbuucyo gudahood. Waxaa kamid ah: oomitaan fara badan,
kaadi aad u tiro badan ood
kaadiso, daallanaan, culayska oo yaraada,
iyo dareen guud ahaan fiicnaan
la’aan. Kadib marka labilaabo
daaweynta calaamadahaani
way markiiba way tagaan.
Laakiin, daaweyn la’aanteed, heerka sonkorta dhiiggu si xawli
leh ayuu u kacayaa taasoo kugu keeni karta
inaad aad u xanuunsato, koomo aad gasho, iyo
dhimashaba.
Dhibaatooyinka adag ee
macquulka ah ee soo bixi kara mustaqbalka fog
Si
aad u yareyso khatarta dhibaatadaa adag ee mustaqbalka heerkulka dhiiggaagu waa inuu kahooseeyaa 140/80.
Daawo in loo qaato
ayaa loogu baahan yahay tan. Waxaa sii
dheer waxaa talo adag lagugu
siinayaa: in aadan sigaar cabbin, si joogto ah jirdhis
u samayso, culayskana yareyso haddii culayskaagu sarreeyo. Arrimahaa qaab nololeedyada kamid ahi waxaa
laga yaabaa inaysan khusayn marka horaba caruurta
yayar ee kaadi-macaabka qaba. Laakiin, caruurta oo koraysa
awgeed, qaab nololeed caafimaad leh waa in si
weyn loogu dhiirrigeliyaa si loo yareeyo khatarta
ka’imaan karta dhibaatadaas mustaqbalka fog.
Dadka inta badan
ee qaba nooca
1aad ee kaadi-macaanka waxay tagaan shaybaar
gaar u ah kaadi-macaanka halkaas oo dhakhaatiirtu,
kalkaaliyeyaashu, cunno yaqaannadu, chiropodists, iwm,talo kaga bixiyaan daaweynta, muhiimaddana siiyaan sheegista dhibaatooyinka markiiba sida ugu
macquulsan.