Nooca 1aad ee Kaadi-MacaankaSoo koobis

 

Xaashidan warsidka ah waxay soo koobis kabixsaa nooca 1aad ee kaadi-macaanka. Waxaa kaloo jira xaashiyo kale oo faahfaahin dheeraad ah laga helayo kuna saabsan nooca 1aad ee kaadi-macaanka, iyo sidoo kale xaashi kale oo warsid ah kuna saabsan nooca 2aad ee kaadi-macaanka.

 

 

 

Waa maxay cudurka kaadi-macaanku maxaase keena nooca 1aad ee kaadi-macaanka?

 

Cudurka Kaadi-macaanku wuxuu qofka kudhacaa marka heerka sonkortaada dhiigga kujirtaa kor u kacdo. Sida caadiga ah, kadib markaan wax cunno, cunnooyin kala jaad ah ayaa ku kala jajaba dhuunta qaadda cuntada marka ay caloosha dhaafto isuna bedasha sonkoro kuwaas oo kadib jidhka qofku uu dhuuqo. Sonkorta ugu weyn waxaa layiraahda glucose. Si caafimaadkaagu u fiicnaado, sonkorta dhiiggaagu waa inaysan kor usii kicin ama hoos u dhicin. Unugyo hoormoon ah oo lagu magacaabo Insulin ayaa kacaawisa jidhka in ay kaqaaddo sonkorta qulqulka dhiigga una qaadda unugyo kala duwan oo jidhka kujira. Taasi waxay gacan kageysataa in laga dhigo sonkorta dhiigga mid caadi ah.

 

Insuliinta waxaa sameeya unugyo gaar ah oo mindhicirka kujira. Nooca 1aad ee kaadi-macaanka mindhicirku wuxuu joojiyaa samaynta Insuliinta, markaana sonkorta dhiiggu kor ayay u kacdaa. Tani way dhacdaa maxaa yeelay habka isdifaaca jidhku wuxuu sameeyaa kahortagga jidhka kaas oo baabi’iya unugyada sameeya insuliinta ee kujira mindhicirka. Sababta habka isdifaaca jidhku u samaynayo arrintaa lama yaqaanno.  Wax uun baa (laga yaabee fayras) u eg tahay inuukukiciyayhabka isdifaacu inuu sameeyo arrintan. Nooca 1aad ee kaadi-macaanku sida caadiga ah marka hore wuxuu ku bilowdaa caruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah.

 

Waa maxay calaamadaha lagu garto nooca 1aad ee kaadi-macaanka?

 

Calaamaduhu waxay kubilowdaan si fudud oo dhakhsa leh, maalmo yar ama asbuucyo gudahood. Waxaa kamid ah: oomitaan fara badan, kaadi aad u tiro badan ood kaadiso, daallanaan, culayska oo yaraada, iyo dareen guud ahaan fiicnaan la’aan. Kadib marka labilaabo daaweynta calaamadahaani way markiiba way tagaan. Laakiin, daaweyn la’aanteed, heerka sonkorta dhiiggu si xawli leh ayuu u kacayaa taasoo kugu keeni karta inaad aad u xanuunsato, koomo aad gasho, iyo dhimashaba.

 

Dhibaatooyinka adag ee macquulka ah ee soo bixi kara mustaqbalka fog

 

Xitaa heerka dhexdhexaadka ah ee sonkortu kusocoto ee aan keenin wax calaamado ah waqiga dhaw ayaa waxyeellayn kara xididdada dhiigga mustaqbalka dheer. Tani waxay keeni kareysaa dhibaatooyin badan (badiyaa sannado kadib markii kaadi-macaanka si hore layskaga tijaabiyay). Kuwaas waxaa kujira: khatar kaa soo gaadha cudurka wadnaha, qalalka iyo wareegga dhiigga oo xumaada; dhibaatooyin indhaha kudhaca kuwaas oo waxyeellayn kara aragtida; waxyeello kalyaha kuyimaada; waxyeello xididdada maskada kuyimaada; dhibaatooyin xaagga lugaha ah; dhalmo la’aan, guud ahaaneed, khatarta isu beddalaysa dhibaatooyinka adag waa layareeyaa haddii sonkorta dhiigga si hagaagsan loo ilaaliyo, iyo waxyaalaha kale ee khatarta ah sida dhiig-karka oo lala tacaalo.

 

Waa maxay daaweynta nooca 1aad ee kaadi-macaanku?

 

Daaweynta lagu ilaalinayo heerka sonkorta dhiiggaagu inuu caadiga kudhawaado sida ugu macquulsan. Waxaad u baahnaan doontaa in lagugu duro daawada insuliinta inta kahartay noloshaada. Dadka badankoodu waxay qaataan 2-4 duritaan maalin walba. Waxaa jira noocyo kala duwan oo insuliin ah nooca talo ahaan laguu siin doonaana waxaa lagu aadin doonaa baahidaada. Waa inaad muhiimadda saartaa inaad cunto, cunno saliidda kujirtaa hoosayso, cunno waxtarkeedu sarreeyo oo ay kamid yihiin cunnooyinka saliiddu kayar tahay, khudaarta labada nooc. Laakiin, waxaad u baahan doontaa inaad ogaato qiyaasta saxda ah ee inta insuliin ah ee kusaabsan inta cunno ah oo aad cuni doontid. Sidaa awgeed, waxaa caadiyan lagu siin doonaa tusaalayn badan iyo talo kana heli doonto dhakhtar cunno-yaqaan ah iyo kalkaaliye kaadi-macaan.

 

Si aad u yareyso khatarta dhibaatadaa adag ee mustaqbalka heerkulka dhiiggaagu waa inuu kahooseeyaa 140/80.

Daawo in loo qaato ayaa loogu baahan yahay tan. Waxaa sii dheer waxaa talo adag lagugu siinayaa: in aadan sigaar cabbin, si joogto ah jirdhis u samayso, culayskana yareyso haddii culayskaagu sarreeyo. Arrimahaa qaab nololeedyada kamid ahi waxaa laga yaabaa inaysan khusayn marka horaba caruurta yayar ee kaadi-macaabka qaba. Laakiin, caruurta oo koraysa awgeed, qaab nololeed caafimaad leh waa in si weyn loogu dhiirrigeliyaa si loo yareeyo khatarta ka’imaan karta dhibaatadaas mustaqbalka fog.

 

Dadka inta badan ee qaba nooca 1aad ee kaadi-macaanka waxay tagaan shaybaar gaar u ah kaadi-macaanka halkaas oo dhakhaatiirtu, kalkaaliyeyaashu, cunno yaqaannadu, chiropodists, iwm,talo kaga bixiyaan daaweynta, muhiimaddana siiyaan sheegista dhibaatooyinka markiiba sida ugu macquulsan.

 

© EMIS and PIP 2002   Updated May 2003