NiyadjabkaSoo koobis

 

Xaashidani waxay kabixisaa soo koobis kooban niyadjabka. Waxaa kaloo jira xaashiyo kale oo tafaftiran oo niyadjabka kusaabsan, iyo mid ah kahortagga niyadxumada.

 

 

Waa maxay calaamadaha lagu garto niyadjabku?

 

·        Calaamadda guud ee niyadjabka lagu gartaa waa xaaladdaada oo hoos udhacda badanaa maalinta oo dhan, ugu dhawaantiina maalin walba, ugu yaraanna 2 asbuuc.

·        Mid ama labo waxyaalaha soo socda ayaa imaan karta; dhibaato xagga hurdada ah, daallanaan; jamashada oo dhib kugu ah; cunno xumo; waxaad noqon kareysaa qof aan waxba u adkaysan karin ama aan nasanba.

·        Calaamaduhu badanaa waxay u muuqanayaan kuwo kaaga sii daraya maalin ugu horraysa ee kasta.

·        Calaamadaha la’arki karo sida madax wareerka, palpitations, xanuunada xabadka, iyo xanuunnada caadiga ahiba way dhici karaan.

·        Qaar dadka kamid ah ayaa isku shiddeeya fikirro isdil ah. Ama fikrado soo noqnoqn kara oo dhimasho ah.

 

Kumuu kudhacaa niyadjabku maxaase keena?

 

Heerarka nolosha qaarkeed qiyaastii 3dii qofba 2 dadka waaweyn ah ayaa qaba niyadjabka, iyo qiyaastii 20kiiba 3 ayuu kudhacaa niyadjab aad u xun. Dadka qaar ayuu kudhacaa labo goor ama kabadan oo jirooyin niyadjabka ahi xilliga noloshooda. Waxa dhabta ah ee keenay lama yaqaanno. Wuxuu ku imaan karaa sababo aan toos ahayn. Sidoo kalena waa lakicin karaa, ama looga sii dari karaa, dhacdooyinka nolosha xageeda sida dhibaatooyinka xiriirka dadka kadhexeeya, reerka laga dhinto, wixii kadaris xaalad ah, jirrada, iwm.

 

Waa maxay daaweynta loo hayaa niyadjabka?

 

Dadka badankood way iska caafimaadaan ayagoon daawo qaadan. Inkastoo, tani ay qaadan karto waxoogaa bilo ah ama xitaa kasii badanba. Isla markaana, niyadjab lagu noolaadaa waxay noqonaysaa wax aad u adag iyo saxariiris. Sidaa darteed, daaweyntu sida caadiga ah waa faa’iido weyn. Daaweynta waxaa kujiri kara mid ama kabadan waxyaalaha soo socda.

 

Dareenkaaga ood kahadasho ayaa laga yaabaa inay noqoto waxa kaliya ee aad ugu baahan tahay niyadjabka inuu caadi ahaado. Saaxiib ama qaraabo ayaa kaa caawin kara middan, laakiin Dhakhtarkaaga Guud ayaa asaguna kuu soo jeedin kara kooxaha iskood isu caawiya ee deegaanka aad kunooshahay, ama kuu gudbin karaa lataliye.

 

Daawooyinka kahortagga niyadjabka ayaa badanaa loo qoraa dadka. Si fiican ayay wax uga qabataa qiyaastii xaaladaha 10kiiba 7. Daaweyntu mabeddali karto duruufaha aad kujirto, Inkastoo, calaamadaha sida xaaladda hoosaysa, hurdo la’aanta, kafiirsasho la’aanta, iwm, badankood laqaboojiyo. Taasi waxaa laga yaabaa kadib inay kuu ogolaato inaad caadi u shaqayso si fiicanna wax ula qabsato haddiiba aad qabto duruufo aad u qalafsan. Tilmaamaha kusaabsan kahortagga niyadjabku waa:

 

·        Waxay qaataan 2-4 asbuuc inay ugu shaqeeyaan si buuxda. Sidaa darteed, si sahlan ha u joojinin.

·        Socodka caadiga ahi wuxuu dhamaadaa ilaa iyo lix bilood ama kabadan kadib markii calaamaduhu laga raysto. Sidaa awgeed, hajoojinin daawada xitaa marka calaamaduhu baaba’aan, maxaa yeelay calaamaduhu si degdeg ah ayay u soo noqon karaan.

·        Ma ahan ayagu kiniini maskax dejiye ah mana ahan caadiyan kuwo laqabatimayo.

·        Waxaa jira noocyo badan iyo summado. Way ku kala duwanaan karaan waxyaalaha ay keenaan ee macquulka ah. Haddii midka ugu horreeyaa uusan kugu habboonayn, mid kale ayaa caadiyan laheli karaa kaasoo kugu fiican.

 

St john’s Wort (hypericum) waa daawo caan ah oo kahortagga niyadjabka ah oo aad kasoo iibsan karto farmashiyeyaasha adigoon waraaq u wadan. Daawadaasina sidoo kale waqti ayay qaadataa shaqaynteedu. Marmarka qaarkood waxay lafalgashaa daawooyinka kale, sidaa awgeed waa inaadan isku mar laqaadaan daawooyinka kale ee kahortagga niyadjabka ah.

 

Tixraac loogu tago qof takhasus u leh ayaa lagu talin karaa haddii xaaladdaada niyadjabka ahi ay aad u daran tahay, ama aysan kucaawinin waxyaabaha kor kuxusan daaweynta ahi. Daaweynta lala hadlayo qof takhasus leh sida daaweynta dabiiciga ah ee garashada qofka ama daaaweynta dabiiciga ah ayaa lagu talin karaa.

Xaaladaha aadka u xun qaarkood daawooyinka takhasusaha ama daaweynta korontada ah (ECT) ayaa lagugula talinayaa.

 

© EMIS and PIP 2003   Updated May 2003