|
U tag dhakhtarkaaga
ama kalkaaliyahaaga haddii aad si
culus u cabtid kuguna adkaato joojinteedu. Xaashiyo faahfaahin dheeraad ah leh kuna saabsan
khamriga ayaa sidoo kale lahelayaa. |
Waa maxay xadadka
ugu nabdoon ee khamri cabiddu?
·
Ragga – looma ogola
wax kabadan 21 cutub asbuuciiba (iyo wax kabadan 4 units halkii maalin ee kasta).
·
Dumarka – looma ogola
wax kabadan 14 cutub asbuuciiba (iyo wax kabadan 3 cutub halkii maalin ee
kasta).
·
Dumarka uurka leh – lama garanayo. Sidaa darteed, dumar badan oo
uur lihi waxay cabaan wax yar, ama waxba
Guud ahaan, sida
ugu badan ee aad u cabto
dhaaftana xadadkan, ayaa noqonaysa dhibaato badan oo khamrigu keeno. Sidoo kale, cabitaanka binge ah (tusaale ahaan, 10 cutub oo asbuucii laba
jeer ah) waxay noqon kartaa dhibato badan inkastoo isugeynta asbuucii aysan u muuqanin mid aad u sarreysa.
Cutub khamri ahi wuxuu lamid
noqonayaa:
·
Galaas khamri ah badhkiis
oo biirka xooggan ee caadigaa
ah, Cider, ama lager
·
Qiyaastii koob yar isbiirid ah (25ml), ama fortified
wine sida sheerida (50).
·
Galaas yar oo qiyaastiisu tahay (125ml) oo wine ah kana kooban 8% aalkolo xajmi ahaan.
Farriin: isticmaalista ‘tusmadaas isugeynta ah’ ee kore aad
ayay u fududahay in ladhayalsado inta aalkolo ah ee kujirta
cabitaanka khamriga. Tan macnaheedu waa maxaa yeelay khamri
badan oo biir ah ayaa waqtigan
aad u xoog badan. Khamriga wineka ahna waxaa badanaa lagu
shubaa galaasyo 175ml ah.
Kuwo badan oo wineka
kamid ahi way kaxoog badan yihiin
heerkii loogu talo galay (qaar
waxay kakooban yihiin 12-14% aalkolo xajmi ahaan).
Maxaa dhib ah oo kasoo bixi
kara haddii
aan cabbo aalkolo fara badan?
Waxaad khatar iskugu keenaysaa in jirro kugu dhacdo sida: jooniska
(bararitaanka beerka);
Nabarrada beerka (barar
xun oo beerka
kudhaca); caloosha iyo beeryarada oo xumaata; niyadjab;
walaac ku gala; dhibaatooyin xagga galmada kaa qabsada;
muruqyada iyo muruqyada wadnaha cudur kudhaca; dhiigga oo kor
u kaca; waxyeello gaadha nudayaasha xididada; shilal – gaar ahaan dhaawac
iyo dhimasho kaasoo gaadha dab kacay ama isku
dhacyada baabuurta; waxoogaa cudurka kansarka ah (afka, hunguriga, beerka, malawadka iyo naaska);
cayilnaan (aalkoladu waxay leedahay kulayl badan).
Waxaad
noqon kartaa qof kuxiran aalkolada. Tan macnaheedu waa haddii aad joojiso
cabitaanka aalkolada maalin ama wax dheer, waxaa kugu
dhacaya calaamado aan wanaagsanayn oo kabaaqsashada aalkolada ah. Tusaale ahaan: jirro aad
dareento, gargariirid, dhididid, tebitaan khamriga ah. Sidaa darteed, jooji
cabitaanka khamriga aad maalin walba
cabbaysid si aad uga hortagto
calaamadahaas.
Dadka kale ayaad
wax u geysan kartaa. Reero fara
badan ayaa si aad u daran
wax kaga soo gaareen xubin reerka
kamid ah oo noqday cabbaa dhib
badan. Si qiiro ah, dhaqaale,
iyo saxariirsanaan xagga nafsiyadda ah ayaa kudhaca reerahaas
oo kale. Sida qaalibka ah cabbaagaas
dhibka badani wuu beeniyaa ama
diidaaba inuu aqbalo in waxa dhaliyay dhibku uu yahay khamriga.
Xallinta dhibatada cabidda culus
Dad badan
ayaa si fudud
hoos ugu dhigi kara
cabidda culus. Isku day inaad cabto
biirka aalkoladeedu hooseyso, jidkana u furaya heerka cabitaanka
khamriga, ama inaad cabto khamriga
maalmo kooban oo asbuuca kamid
ah. Dadka qaarkood aad ayay ugu adag
tahay. Aqbalitaanka dhibaato ayaa kugu soo food leh
ayaa noqon karta tallaabada ugu weyn ee
kunoqoshada cabitaanka caqli galka ah.
Latashiga ama taageeo
laga helo dhakhtar, kalkaaliye, ama lataliye sida
qaalibka ah way kucaawisaa. ‘Khamri kayareyn’ daaweyn ah ayaa dadka qaarkood
lagula taliyaa. Tixraac takhasus qof leh
caawimaad ah loo baahan yahay xaaladaha
qaarkood.
Caawin dheeraad ah: Laynka Cabidda – Laynka taleefoon ee Khamriga Qaranka
Tel: 0800 917 8282